Munaasabadii sanad-guurada Qoorqoor oo baaqatay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Munaasabad ay Madaxtooyadda Galmudug u qabanqaabisay sanad guurada koowaad tan iyo markii Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor] loo doortey hogaanka maamulkaas laguna waday in caawa lagu qabto Dhuusamareeb ayaa baaqatay, sidda ay xaqiijiyeen dhowr illo wareed.

Baaqashada ayaa ka dambeysay kadib markii maleyshiyada Al-Shabaab ay maanta Qarax Miino ku dishay Saraakiil uu hogaaminayey Taliyaha NISA ee Dhuusamareeb iyo 10 askari oo Ilaalo u ahayd.

Weerarkaas wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa degmadda Ceeldheere iyo magaalada Dhuusamareeb oo kawada tirsan gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale, waxaa caawa Dhuusamareeb ku hoyanaya Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Kala ah Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeele, iyada oo maanta uu Madaxweynaha Koonfur-Galbeed ku guryo noqday Baydhabo.

Tan iyo intii uu shalay Madaxweynaha Wakhtigiisa ay ka harsan tahay Saacadaha kooban uu ku laabtay Caasimadda Muqdisho, waxaa ay Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Dhuusamareeb ku yeesheen kulamo ku aadan sidii ay go’aan midaysan uga qaadan lahaayeen Xalaadda cakiran ee uu Dalku galay.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in caawa saq-dhexe illaa berri uu soo bixi doono war-murtiyeed ku aadan xaaladda dalka oo maamuladda soo saari doonan maadaama dowladda Farmaajo uu muddo xileedkoodu ku egyahay caawa Saqda dhexe 12:00 PM.

Hogaamiyeyaasha maamul goboleedyadda wali ku sugan magaala madaxda maamulka madaxweyne Qoorqoor ayaa lagu waddaa in Isniinta berri ah ay dib ugu laabtaan xarumahooda kana ambabaxaan magaalada caasimadda ah ee Dhuusamareeb.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM