Muqdisho: Dad badan oo ku nafwaayey qarax is-miidaamin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa galabta wuxuu ka dhacay Muqdisho kadib markii qof isku soo xiray walxaha qaraxa uu beegsaday maqaaxi ku taalla degmada Wadajir.

Mehradan ayaa si gaar ah waxay ugu taalaa inta u dhaxeeysa baraha Koontarool ee laga gallo xerada amnigeeda aadka loo sugo ee Xalane iyo saldhigga Janaraal Goordan.

Khasaaro kala duwan ayaa lasoo warinayaa in uu jira iyadoo wararka hordhaca ah ee soo baxaya ay tibaaxayaan in ugu yaraan 10 qof ay ku geeriyoodeen goobta.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyada weerarkan balse dhacdooyinka noocaan ah waxay kusoo beegmayaa iyadda waddanka ay ka jirto xiisad siyaasadeed.

Xiisadaas ayaa waxay ka dhalatay kiiska haweenay ka tirsan hay'ada mukhaabaraadka Soomaaliya, Ikraan Tahliil Faarax, taasoo la waayey in ka badan laba bilood kahor.

Hay'adda sirdoonka ayaa sheegtay in Ikraan ay ku maqan tahay gacanta Al-Shabaab balse kooxda hubeysan waxay tibaaxdey in aysan ku lug lahayn taasoo cirka kusii shareerisay xiisadda.

Qoyska Ikraan ayaa cod dheer waxay ku dalbadeen in ay kaliya ku qancayaan meydka gabadhooda oo ay arkaan iyo in maxkamadeyn daahfuran la horgeeyo masuul kasta oo ka dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM