Muqdisho: Dhageysiga dacwad loo haysto ajaaniib oo lasoo afjaray

Image
Kalluumeysatada ayaa waxaa bishii April laga soo qabtay biyaha Soomaaliya ayaga iyo doomo ay wateen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho, waxaa lagu soo gaba gabeeyay dhageysiga dacwad loo heystay 36 kalluumeysato ah oo u kala dhashay wadamadda kala ah Iran iyo Pakistan.

Ajaaniibtan ayaa waxaa lagu waramay in lagu eedeeyay inay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen biyaha Soomaaliya gaar ahaan qeybta kheyraadka ugu badan yaallo.

Kalluumeysatada ayaa, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin kala duwan oo u dhuun-daloola kiiska, waxaa bishii April laga soo qabtay biyaha Soomaaliya iyo doomo ay wateen.

Haddii lagu helo dambiga waxaa lagu xukumi karaa xabsi, ganaax ama labadaba. Sawirrada kalluumaysatada iyo mid ka mid ah doomihii ay wateen oo ku xayiran dekedda Muqdisho ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada.

C/laahi Caddow, Agaasimaha Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya, ayaa bogaadiyay maxkamadeynta.

"Maraakiibta kalluumeysiga ee Iran oo ay saaran yihiin 36 shaqaale ah ayaa la xiray 10/4/23. Kalluumeysiga sharci-darrada ah, aan la soo wargelin iyo sharci la'aanta (IUU) ee ka kalluumeysiga biyaha Soomaaliya waxay ka dhigan tahay khatar weyn oo ku wajahan haqab-beelka cuntada, horumarinta dhaqaalaha, madax-bannaanida iyo deegaanka badda Soomaaliya." ayuu yiri.

"Tani waa markii ugu horreysay oo ay la kulmaan tallaabo dhaqangelin ah oo sidan oo kale ah oo ay qaadaan mas'uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya," ayuu Cadow hadalkiisa ku daray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM