Muqdisho: Dhinacyo aan haybtooda la garan oo beegsanaya Shirkad Isgaarsiin ah

Image
Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa weeraradan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay qarax lala beegsaday booyad siday shidaal oo ay leedahay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kaasi oo marayay xaafadda Waxarcade ee degmada Heliwaa.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxan uusan geysan khasaare nafeed, balse waxaa gabi ahaan burburay booyaddii iyo shidaalkii saarnaa, sida sawirro laga soo qaaday goobta ay muujinayaan.

Dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa xilli labo maalin un ka hor qarax kale lala beegsaday gaari ay isla shirkaddaasi leedahay oo isla goobtaasi ka dhacay.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa weeraradan, iyadoo laamaha ammaanka dowladda aysan u suurtagelin inay gacanta ku soo dhigaan eedeysanayaasha.

Dhacdadan ayaa walaac ku abuurtay amniga iyo xasiloonida Muqdisho, waxaana la is weydiinayaa sababaha ka dambeeya beegsiga joogtada ah ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM

Villa Somalia oo billowday ololaha oorashadda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka

Qaar kamid ah siyaasiyiinta damacsan xilalka cusub ayaa sidoo kale wajahaya caqabado gudaha beelahooda ah.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 05:37AM