Muqdisho: Faahfaahinta qarax lala eegtay goob ganacsi oo lagu xiray Kaamirooyin CCTV

Image
Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa tibaaxaya in rag ka tirsan kooxda “AS” ay isku dayeen qarxinta goob ganacsi oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha oo lagu xiray Kaamirooyin CCTV.

Laamaha amaanka ayaa la warinaya inay ka war heleen ragga maleegay qaraxa oo ka kooban laba qof, iyaga oo dilay mid ka mid ah, halka uu dhaawacmay kan kale.

Waxaa sidoo kale la sheegay in isla goobtay lagu dilay nin shacab, taas oo kor u qaadaysa tirada dadka ku dhinteen qaraxaan oo gaaraya laba qof.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka iyo kooxda “AS” oo ku saabsan falkan, iyadoo weli ay socdaan baaritaano la xiriira.

Magaalada Muqdisho ayaa waayahan ku soo badanaya qaraxyada ay geysanayaan kooxaha argagaxisada oo ka soo horjeeda in goobaha ganacsi lagu xiro CCTV.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM