Muqdisho: Haweeneey tooreey ku dishay laba ruux ka dib muran dhax maray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Gubadley dhawaan ka dhacay dhacdo ay ka argagaxeen dhammaan dadka deegaanka.

Sida aan Wararka ku heleyno Anbiyo Maxamed Cali oo ah haweeney degan xaafada Buur Bishaaro ayaa la sheegay in ay tooreey ku dishay labo gabdhood oo lagu kala magacaabi jiray Nimco Saalax iyo Iqro Daahir.

Saddexda qof ayaa ku wada noolaa hal guri, waxaana sababay falkan muran soo kala dhex galay oo markii dambe ku dhamaaday geerida labadaas qof.

Ciidamada amaanka ee ku sugan deegaanka Gubadley oo falkaasi ka jawaabaya ayaa markiiba goobta soo gaaray, waxaanay gacanta ku dhigeen haweenayda la soo eedeeyay,

Dhacadadan ayaa dhaisay hadal heyn badan saacadihii la soo dhaafay, iyada oo baraha bulshada lagu faafiyay faallooyin ku saabsan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM