Muqdisho: Kumanaan shacab ah oo ka soo qeybgalay dibadbax lagu cambaareynayo damaca Itoobiya

Image
Kumanaan shacab ah ayaa isugu soo baxay fagaaraha “Daljirka Dahsoon” ee magaalada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka dhacay Banaanbax lagu taageerayo go’aamadii dowladda Soomaaliya kasoo baxay, laguna cambaareynayo heshiiskii ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

Kumanaan shacab ah ayaa isugu soo baxay fagaaraha “Daljirka Dahsoon” ee magaalada Muqdisho, oo uu isla markaana goobjoog ka yahay Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre, halkaasoo lagu wado in uu khudbad ugu jeediyo shacabka.

Dibad-baxayaasha ayaa cambaareeyay gardarrada ay Itoobiya ku waddo badda Soomaaliya, iyagoo kor u qaaday boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo ay ka mid yihiin “Baddeenna iib ma ahan,”.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hore uga soo horjeedsatay tallaabadii ay Dowladda Itoobiya qaaday oo ay heshiis kula geshay maamulka Somaliland oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

DFS ayaa sidoo kale ka digtay isku day kasta oo lagu doonayo in lagu xad-gudbo Qaranimada, Madax-bannaanida iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay xaq u leedahay inay ka jawaabto tallaabada qaawan ee ay Itoobiya ku qaadday “qaab kasta oo sharci ah.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM