Muqdisho: Nin dhalinyaro ah oo lagu dilay mudaaharaadyo looga soo horjeedo xil-ka-qaadis

Image
Dhacdadan ayaa sii hurisay xiisada maanta ka taagan Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho..

Muqdisho, Soomaaliya - Waxaa maanta ka dhacay Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho banaanbax looga soo horjeedo xil-ka-qaadis lagu sameeyay Guddoomiye waaxeed ka howlgeli jiray degmada Warta Nabadda.

Dadka ka soo qeyb galay banaanbaxa ayaa fariimo culus u jeedinayay Guddoomiyaha gobolka Benaadir, ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Madaale, taas oo inta badan daarneyd beegsi ka dhan ah beel gaar ah.

Ciidamada dowladda oo ka hortagay dibadbaxyaasha ayaa la sheegay in ay xabad ku dileen mid ka mid ah dadka dreenkooda ku muujinaayay goobta, taasoo sii hurisay xiisada taagan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in meydka marxuumka uu wali yaallo goobta, iyadoo ka qeyb galayaasha dibadbaxa ay sheegeen inay raadinayaan cadaalad & in dib loogu soo celiyo xilalka ay ka haayeen gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale la sheegay in ay jiraan 4-qof oo dhaawac ka soo gaaray xabada ay ridaayeen ciidamada dowladda, iyadoo shacabka isugu soo baxay goobta ay xaqiijiyeen in ay sii wadi doonaan dibaxbaxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM