Muqdisho oo ay kasoo ifbaxeyso saadaalin cabsi leh lana xiriirta Corona

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Magaaladda madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa hogaamineysa kiisaska illaa iyo haatan laga soo sheegay qeybaha kale ee waddanka. 128 xaaladood ayaa la xaqiijiyey, tan iyo bishii Maaj.

Sidda ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka federaalka, bukaanada waxay u badan yihiin dad aan safar gelin ama lagu qaadsiiyey magaaladda.

Tani waxay ka dhigan tahay in ay xaqiiqo noqoneyso saadaalin ay isla wasaaradda ruuxadeeda sameysay laba todobaad ka hor oo ku saabsan in cudurka uu si aayar ah ugu faafi doono bulshadda caasimadda ku nool.

Tusaale ahaan, labadii maalmood ee lasoo dhaafay isku cel-celis ahaan waxaa lasoo waariyey ku dhowaad 60 [lixdan] xaaladood oo cusub.

Jimcadii, muddo 24-saac gudaheeda ah 47 qof oo laga baarey caabuqa waxaa laga helay 36; Sabtidii, 25 qof oo xanuunka laga baarey waxaa laga helay 19. Macnaheedu waa qiyaastii 90% waxaa la noolaa dadkaas.

Walwalka

Tani waxay walwalka iyo cabsida kusii kordhineysaa dadweynaha, kuwaas oo lagu dhaliilay in aysan qaadan talooyinka caafimaad ee looga baaqsan karo faafitaanka; tusaale ahaan kala fogaanshiyaha.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee xiriirka bulshadda Facebook, ayaa qiray in caabuqa uu fara kulul ku hayo dalka.

"Walaalayaal way muuqata in Fayriska Karoona uu dadkeena fara badan ku hayo. Cusbitaaladii way diideen in ay dadkii daweeyaan, sababtuna waa in Fayrisku bukaanada kale ku faafo, xarumaha caafimaad ee ay dawladu diyaarisayna waa kuwa laga dayrinayo," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Fursada keli ah ee aan Karoona kaga badbaadi karno waa in aan Ilaaheey talo saarano, taxadar, feejignaan la nimaado, fariimaha iyo talooyinka khubarada caafimaadkana u hogaansano".

Xaaladan naxdinta leh ee Muqdisho ay wajaheyso marka ay timaado la tacaalida Covid-19 ayaa imaaneysa xili Wasaaradda Caafimaadka ay hareeyeen eedeymo musuqmaasuq, taas oo shaqadda hakad gelin karta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM