Muqdisho oo "laga mamnuucay" Indho-shareerka iyo Cimaamada

Image
Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale waxa ay dadka ka qaadayaan Koofiyada iyo Af-saarka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Laamaha ammaanka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa bilaabay howlgal ay dadka uga uruurinayaan koofiyadaha iyo cimaamadaha, sidda ay Garowe Online u sheegeen illo kala duwan.

"Howlgalkan waxaa fulinaya ciidamo lagu daadiyay isgoyska magaala madaxda kuwaas oo dadka iyaga oo aanan wax fahfaahin ah siinin ku amraya in ay soo wareejiyaan labadaas shey," ayuu yiri hal illo wareed.

Koofiyada laga mamnuucay dadka laga mamnuucay caasimada ayaa ah tan qeyb ahaan qarinaysa wajiga qofka ee inta badan ay qaataan dhalinyaradda iyo xataa dadka waaweyn.

"Haweenka qudhooda waxaa lagu amrayaa in ay furaan Indho-shareerka," ayuu yiri qof kale oo xog-ogaal ah. "Illaa hadda, ma aanan arag haween laga qaadayo Indho-shareerka ama lagu amrayo in ay wareejiso".

Ma jirto cid kamid ah hay'adaha nabad-gelyadda dowladda federaalka oo si rasmi ah ugu dhawaaqdey go'aankan lagu joojinayo in magaalada lagu dhex-qaadan karin Koofiyad, Cimaamad iyo Indho-shareer.

Balse, talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli bishii lasoo dhaafay ay caasimada wajahdey weeraro taxano qaraxyo ah kuwaas oo lagu beegsaday xarumo ganacsi oo amarka dowlada ku xirtey kaamirooyinka CCTV.

Sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka oo codsadey in aan magaciisa la sheegin ayaa si hoose wuxuu ugu xaqiijiyey warsidaha GO in labadan amar kala dambeeyay "aysan u wada dhameyn si guud hay'adaha nabad-gelyadda".

"Xataa latashi guud lagama sameyn isakaba daa in loo sameeyo sharci ama wargelin guud loo siiyo dadweynaha si ay ugu nagaluglaadaan ciidamadda taas oo baajin karta isku-dhac dhiig ku daato," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Muqdisho ayaa xasilooni amni ku naalooneysa ku dhawaad muddo sanad ah iyadda oo aysan ka dhicin wax qaraxyo ah ama weerar lagu galay xarumo dowladeed, hoteelo ama maqaayado ay dadka shacabka ah ku badan yihiin.

Isbedelkan amni ayaa waxaa loo aaneynayaa in kooxda Al-Shabaab uu dagaal uga furan yahay furimaha dagaalka isla markaana aysan fursad u helin in ay carqaladeyso nabad-gelyadda fariisinka dowlada federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Furitaanka Baarlamaanka oo Dib u Dhacay Xili ay Taagan Yihiin Muran Siyaasadeed iyo Khilaaf Doorasho

Xamse ayaa meesha ka saaray in uu u tartami doono xilka Madaxweynaha, isagoo sheegay in uu weli xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    20-09-2025

  • 02:01PM

Xasan Sheekh oo su'aal geliyay xuquuqda Muwaadinimo 10 milyan oo Soomaali ah

Tan iyo markii la hirgeliyay nidaamka cusub ee NIRA, waxaa kaarka aqoonsiga qaatay ilaa nus milyan oo qof.

  • Soomaliya

    19-09-2025

  • 06:19PM