Muqdisho: Qaraxyo is-daba-joog ah oo lagu beegsanayo shirkad Isgaarsiineed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa xalay Qaraxyo lala beegsaday xafiisyo ay shirkad isgaarsiineed oo caan ah ku leedahay deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxyadan ayaa ka dhashay miinooyin lagu aasay afaafka hore ee xarumaha ee shirkadda Hormuud ee deegaankaas.

Qaraxyadan ayaan geysan wax khasaare nafeed ah, sida ay sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo, iyadoo uu jiro khasaare hantiyeed oo soo gaaray dhismaha weerarka loo geystay.

Dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda Hormuud ayaan wax war ah ka soo saarin dhacdadan, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxya]dan.

Xarumo kale oo ay leeyihiin Shirkadda Hormuud ayaa maalmihii la soo dhaafay lagu weeraray degmada Dayniile iyo xaafado kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho, lamana oga Cidda ka dambeysa.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM