Muqdisho: Taliye degmo oo loo xiray dilka Ganacsade Abuukar Kaabax

Image
Afhayeenka Booliiska ayaa sheegay in tirada eedeysanayaasha ay gaarayaan ilaa 7 qof.

Muqdisho, Soomaaliya - Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in Booliska Soomaaliya ay gacanta ku dhigan dad lagu tuhmay in ay ku lug leeyihiin dilkii loo geystay Ganacsade Abuukar Axmed Kaabax.

Afhayeenka ayaa sheegay in tirada eedeysanayaasha ay gaarayaan ilaa 7 qof, kuwaas oo ka mid ah taliyihii saldhigga Booliiska degmada Heliwaa Cabdifitaax Qoslaaye.

5-ka mid ah eedeysanayaasha ayaa lagu sheegay in ay yihiin dad shacab ah, lana soo hor fariisin doono maxkamadda awoodda u leh markii la soo dhameystiro baaritaanka.

Afhayeenka ayaa iftiimiyay dadaalka ay dowladda ku bixisay sidii daaha looga rogo dadka ku lugta leh falkan isla markaana caddeeyay in baaritaanka ku saabsan kiiskan oo weli socdo.

Ganacsade Abuukar ayaa meydkiisa laga helay deegaanka Garasbaaleey, waxaana dilkiisa lagu eedeeyay Koox hubaysan oo afduubatay, kadibna dilay, iyaga oo meydkiisa ku tuuray meel qashin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM