Muqdisho: Taliyeyaal ku dhaawacmay qarax lagu weeraray guri

Image
Dadka ay waxyeeladda soo gaartey ayaa la sheegay in ay ku jiraan xubno kamid ah qoyska labada mas'uul.

MUQDISHO, Soomaaliya - Inta la xaqiijiyey shan qof ayaa ku dhaawacmay qaraxyo miino lagu weeraray guri ku yaalla xaafada Zaban-zaban ee degmada Dayniile ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Dadka dhaawacmay ayaa, sidda xogta sheegeyso, waxaa ku jira taliyihii nabad-sugida degmadan, Cabdiraxmaan Cali Waqooyi (Seedi-xume), iyo taliyihii uga horeeyay xilkan Cumar Cabdi Fiidow.

"Askar ilaalo u ahayd ilaaladda labada sarkaal ayaa sidoo kale waxay dhaawacyo ay kasoo gaareen isla falkan," ayay sheegeen illo wareedyo dhanka ammaanka iyo dadka degaanka.

Warar kale oo laga helay illo wareedyo madax-banaan ayaa caddeeyay in dadka ay waxyeeladda soo gaartey ay ku jiraan xubno kamid ah qoyska labada mas'uul wallow aan tiradooda la cayimin.

"Dhamaan dhaawacyada waxaa loo qaadey xarumaha caafimaadka si halkaas loogu daaweeyo. Ciidamo dheeraad ah ayaa isku-hareereeyay guriga la beegsadey," ayay ku daareen goobjoogeyaal.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa dusha saartey mas'uuliyadda falkan waxaana ay sheegeen in ay beegsadeen saraakiil sarre oo dhinaca nabad-gelyada ah.

Xoogaga hubeysan ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay waxay sarre u qaadeen weerarada tooska ah oo ay ka geysanayaan caasimadda iyadda oo loo aaneynayo feejignaan la'aanta hay'adaha ammaanka magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM