Muqdisho: Tirada dhaqaatiirta uu ku dhacay Covid-19 oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa bogaadisay kaalinta dhaqaatiirta, kalkaaliyaasha iyo howl-wadeennada caafimaadka ay ka qaadanayaan badbaadinta shacabka iyo dagaalka loogu jiro Xakameynta faafitaanka COVID-19.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in sideed kamid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed laga helay COVID-19 maadaama dhaqaatiirtu yihiin dadka safka hore uga jira la dagaallanka cudurkan, naftoodana huraya, si ay u badbaadiyaan bulshada inteeda kale.

Dhaqaatiirta cudurku haleelay iyaga oo gudanaya waajibaadkooda iyo dhammaan dadka kale ee COVID-19 uu soo ritay ayay wasiir Fowsiya Allah uga bariday inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ku celisay in dowladdu ay dadaalkeeda isugu geneysyo sidii dalka iyo dadka looga badbaadin lahaa qatarta COVID-19, waxayna bulshada ugu baaqday inay u hoggaansamaan talooyinka caafimaad ayna qeyb ka noqdaan qorsha wadajirka ah ee naf-badbaadinta.

Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay caddeysay in ilaa maanta aysan soo kordhin xaalad cusub oo COVID-19 ah hase yeeshee ay jiraan baaritaanno maanta la sameeyay oo jawaabahooda la sugayo inay dhawaan soo baxaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM