Muqdisho: Tirada dhaqaatiirta uu ku dhacay Covid-19 oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa bogaadisay kaalinta dhaqaatiirta, kalkaaliyaasha iyo howl-wadeennada caafimaadka ay ka qaadanayaan badbaadinta shacabka iyo dagaalka loogu jiro Xakameynta faafitaanka COVID-19.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in sideed kamid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed laga helay COVID-19 maadaama dhaqaatiirtu yihiin dadka safka hore uga jira la dagaallanka cudurkan, naftoodana huraya, si ay u badbaadiyaan bulshada inteeda kale.

Dhaqaatiirta cudurku haleelay iyaga oo gudanaya waajibaadkooda iyo dhammaan dadka kale ee COVID-19 uu soo ritay ayay wasiir Fowsiya Allah uga bariday inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ku celisay in dowladdu ay dadaalkeeda isugu geneysyo sidii dalka iyo dadka looga badbaadin lahaa qatarta COVID-19, waxayna bulshada ugu baaqday inay u hoggaansamaan talooyinka caafimaad ayna qeyb ka noqdaan qorsha wadajirka ah ee naf-badbaadinta.

Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay caddeysay in ilaa maanta aysan soo kordhin xaalad cusub oo COVID-19 ah hase yeeshee ay jiraan baaritaanno maanta la sameeyay oo jawaabahooda la sugayo inay dhawaan soo baxaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xuseen Macalin oo isku-casiley faragelinta xafiiska Xasan Sheekh, balse laga diiday

Dooda ugu weyn ee mucaaradku qabaan ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si aad ah gacanta ugu hayo maamulka...

  • Soomaliya

    22-07-2025

  • 07:36AM

Xog: Villa Somalia oo Firdhiye u Wadda Madaxtinimada Khaatumo

Gudoomiyihii hore ayaa magaalada Laascaanood la tagey ergooyin ka kooban…

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:00PM