Muqdisho: Tiro hoobiyeyaal ah oo lagu garaacay Saldhigga Turkida ee Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho ayaa saaka waxaa lagu weeraray tiro hoobiyeyaal ah kuwaas oo geystay khasaare naf iyo maalba leh sida laga soo wariyay dad shacab ah oo ku dhawaa aagagaas.

Qaar ka mid ah madaaficda lasoo tuuray ayaa ku dhacay saldhigga TURK-SOM ee ay dawladda Turkigu ka dhistay magaalada Muqdisho, halka 3 madfac ay ku dhaceen degmooyinka Kaxda iyo Wadajir.

Laamaha ammaanka ayaan weli wax hadal ah ka soo saarin dhacdadan iyo khasaaraha ka dhashay, iyadoo goob joogayaal ay xaqiijiyeen in shan qof ay ku dhaawacmeen madaafiic ku dhacay guryo ay deganaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in Madaafiicda laga soo tuuray Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, iyadoo laamaha ammaanka ay wadaan baaritaano ku aadan dhacdadan iyo halka laga soo agaasimay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM