Muqdisho: Weerar afar dhinac ah oo lagu soo qaaday degmada Kaxda

Image
SAWIR HORE

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoogag hubeysan ayaa weerar ku qaaday degmada Kaxda ee caasimadda Muqdisho, dagaal xoogan ayaa ka dhacay Saldhigga degmada iyo buurta Janaale iyo goobo kale oo muhiim ah.

Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo ay fuliyeen xoogaga la aaminsanyahay inay xirirr la leeyihiin al-shabaab, waxaaana ciidamada soo gurmanayey wadada loogu aasay miino taaso keentay in uu dagaalka sii daba dheeraado.

Dadka ku dhaqan caasimadda ayaa maqlayey dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isweydaarsanayeen, waxaana markii uu dagaalka joogsaday degamda lagu garaacay tiro hoobiyeyaal ah.

Ilaa iyo hadda lama shaacin khasaaraha ka dhashay inta uu la egyahay, iyadoo sidoo kale la xaqiijiyay badqabka Taliyaha Saldhiga Degmada Kaxda oo dhaawac fudud uu soo gaaray.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo shaac baxaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM