Muqdisho: Weerar ku bilowday is-qarxin oo lagu galay hotel

Image
Dad badan oo shacab ah iyo mas'uuliyiin ayaa laga soo badbaadiyey goobta ay wax ka dhaceen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Weerar toos ah oo ku bilowday qarax ayaa lagu qaadey Villa Rossa oo ah hotel ku yaala nawaaxiga xabsiga sidda weyn loo ilaaliyo ee Godka Jilacow, sidda uu xaqiijiyey booliska taliska Soomaaliya.

Dabley aan wali tiradooda la cayimin ayaa qaraxa koowaad kadib waxay gashay dhismaha oo hoy u ah mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan wasiiro iyo Xildhibaano.

Maleyshiyadda Al-Shabaab oo si degdeg ah ku sheegatay mas'uuliyadda falkan ayaa tibaaxdey in qaraxa koowaad uu ahaa is-miidaamiyo uu fuliyey naftii-halige saarnaa baabuur laga soo buuxiye walxo qarxa.

Qarax labaad oo isagana loo maleynayo is-miidaamin uu fuliyey naftii-halige kale ayaa ka dhacay isla goobta. Illaa haatan si dhab ah looma ogga tiradda rasmiga ah ee waxyeeladda guud ahaan.

"Dad badan oo shacab ah iyo mas'uuliyiin ayaa laga soo badbaadiyey goobta ay wax ka dhaceen," ayuu yiri afhayeenka booliska, Sadiiq Doodishe, oo la hadlay saxaafadda ku hadasha afka dowladda.

Weerarka caawa loogu daatay Villa Rossa ee Muqdisho ayaa duulaankii saddexaad oo toos ah oo dabley Shabaab ah ay ku galaan Hotel tan iyo markii la doortey hogaanka cusub ee dowladda Soomaaliya bishii May, 15, sanadkan 2022.

Dhacdan waxaa ka horeeyay Hotel Xayaat oo dabley Al-Shabaab ay muddo saacado ah ka dhex-dagaalameen August, 19, 2022 iyo Hotel Tawakal ee Kismaayo oo la beegsadey October, 23, 2022.

Villa Reys oo ah hotel iyo maqaayad ayaa hoy u ahayd mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka gaar ahaan Wasiiro iyo Xildhibaano heer federaal ah waxaana ay ku dhow-dahay xabsiga sidda weyn loo ilaaliyo ee Godka Jilacow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM