Weerar lagu qaadey xarun ay degan tahay Safaaradda Mareykanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhaawacmay weerar hoobiye oo maanta oo Axad ah lagu qaadey xarunta Xalane, ee magaaladda Muqdisho.

Qof ku sugan xarunta ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyey in 3 Askari oo katirsan AMISOM, 3 shaqaale kuwa dhisamaha ah iyo hal qof oo ajnabi ah ay ku dhaawacmeen weerar, kuwaasoo la dhigay Isbitaalka AMISOM.

Inta la ogyahay 6 hoobiye , ayaa ku dhacay nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Xalane oo ku dhegan, waxaana dhawaqa qaraxyada hoobiyayaasha laga maqlay qeybo kamid ah caasimadda.

Lama oga halka laga soo tuuray hoobiyayaasha lala beegsaday Xalane, oo ah xarun ay degan yihiin safaaradaha shisheeye, oo mida Mareykanka ay ku jirto iyo hay'adaha Qaramada Midoobey.

Waa markii 2aad oo hoobiye lagu garaaco Xalane, iyadoo horaantii sanadkan lagu qaadey weerar noocan ah, oo dhowr shaqaale UN lagu dhaawacay, waxaana dhacdada lagu beegay xili Muqdisho laga eryay Wakiilkii UN-ka Nickolas Haysom.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM