Muqdisho: Xerada Jaalle Siyaad oo markii 2-aad la weeraray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Saaka qarax ka dhacay afaafka hore ee xerada Jaalle Siyaad ee ku taal magaalada Muqdisho, waxaana la warinaya inay jirto khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,

Nin naftii halige ah ayaa ku guulaystay in uu gudaha u galo xerada, isaga oo doonayay in uu beegsado ciidamo halkaas ku sugnaa.

Laamaha amaanka ayaa isla markii ka hor tagay ninkaan inta uusan gaarin goobta uu bartilmaameedsanayay, iyaga oo ku furay rasaas, markaas oo is qarxiyay.

Dowladda ayaan wali war rasmi ah ka soo saarin dhacdadan, iyada oo qaar ka mid ah saraakiisha amaanka ay wariyeen inay jiraan dhaawacyo badan.

Qaraxaan ayaa ah kii labaad ee ka dhaca xeradan, iyado oo qaraxii hore ay ku dhinteen tira badan oo ka mid ah ciidanka.

Baarlamaanka ayaana la hor keenay kiiskan, iyaga oo ka dooday sida ay ugu suurtagashay ninka isqarxiyay inuu gudaha u galo xerada oo amaankeedu la adkeeyay, halka ay mas’uuliyiin badan ay xilkeedii ku waayeen falkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM