​MUQDISHU: Oday kamid ahaa Ergada Doorashada oo la dilay

Image

MUQDISHU, Somalia- Kooxo hubaysan ayaa Muqdishu ku dilay mid kamid ah Odayaashii ka qyeb-qaadatey doorashada Xildhibaanada aqalka hoose ee Barlamanka cusub ee Somalia sida ay sheegayaan wararka uu helayo warsidaha Garowe Online.

Sarkaal katirsan Booliska Somalia ayaa sheegay in Labo Nin oo Bastoolado ku hubaysan ay ku toogteen Odaygaas oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Salaad Xasan (Wadaad Yare) meel ku dhaw Isgoyska KPP.

Marxuumka ayaa la dilay xilli uu kasoo baxay Timo-jare, kuna sii wajahnaa Gurigiisa oo ku yaallla Xaafadda KPP, ee degmada Hodon xalay abaare 8:00pm.

Geerida Marxuum Wadaad yare waxaa xaqiijiyay Wiil uu dhalay.

Wadaad Yare wuxuu katirsan Ergadii Xildhibaanada kusoo dooratay magaalada Cadaado.

Wali lama oga cida dishay iyo sababta loo dilay, balse waxa uu noqonayaa kii afaraad oo Muqdishu dil loogu geesto Odayaasha soo xulay Xildhibaanada Labada aqalka ee Barlamanka federaalka Somalia.

Amniga Muqdishu ayaa noqday mid faraha ka baxay, maadaama ay kusoo kordhayaan qaraxyada ismiidaaminta ah iyo dilalka qorsheysan ee lagu khaarajinayo dad katirsan Dowladda iyo Odayaasha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM