​MUQDISHU: Oday kamid ahaa Ergada Doorashada oo la dilay

Image

MUQDISHU, Somalia- Kooxo hubaysan ayaa Muqdishu ku dilay mid kamid ah Odayaashii ka qyeb-qaadatey doorashada Xildhibaanada aqalka hoose ee Barlamanka cusub ee Somalia sida ay sheegayaan wararka uu helayo warsidaha Garowe Online.

Sarkaal katirsan Booliska Somalia ayaa sheegay in Labo Nin oo Bastoolado ku hubaysan ay ku toogteen Odaygaas oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Salaad Xasan (Wadaad Yare) meel ku dhaw Isgoyska KPP.

Marxuumka ayaa la dilay xilli uu kasoo baxay Timo-jare, kuna sii wajahnaa Gurigiisa oo ku yaallla Xaafadda KPP, ee degmada Hodon xalay abaare 8:00pm.

Geerida Marxuum Wadaad yare waxaa xaqiijiyay Wiil uu dhalay.

Wadaad Yare wuxuu katirsan Ergadii Xildhibaanada kusoo dooratay magaalada Cadaado.

Wali lama oga cida dishay iyo sababta loo dilay, balse waxa uu noqonayaa kii afaraad oo Muqdishu dil loogu geesto Odayaasha soo xulay Xildhibaanada Labada aqalka ee Barlamanka federaalka Somalia.

Amniga Muqdishu ayaa noqday mid faraha ka baxay, maadaama ay kusoo kordhayaan qaraxyada ismiidaaminta ah iyo dilalka qorsheysan ee lagu khaarajinayo dad katirsan Dowladda iyo Odayaasha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM