Taliye ku-xigeen lagu dhex dilay xarunta Villa Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Wararka laga helayo xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, ayaa sheegay in goordhaweyd la dilay Taliye ku-xigeenkii ciidanka Madaxtooyada Somalia xilli uu ku sugnaa gudaha xaruntaas.

Dilkaas waxaa gaystay mid kamid ah ciidanka ka howgala Madaxtooyada, sida ay GO u sheegeen saraakiil ka agdhawaa xaruntaasi.

Saraakiil katirsan Villa Somalia, ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay inuu dhintay ALLAHA u naxariistee Taliye ku-xigeenka oo magaciisa lagu soo koobay Cornell Cabdi Cabdulle Qoor-gaab oo darajadaas loo dallacsiiyay Afar bilood ka hor isagoo aad ugu dhow Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Xasan Sheekh.

Lama oga sababta loo dilay, balse waxaa la xaqiijiyay inuu dilkaasi ka dambeeyay askari kamid ah ciidamada waardiyeeya halka looga taliye waddanka.

Askarigii dilka gaystay ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday, waxaana is-weydiin laga keenay sida uu ku fakaday iyadoo goobta ay joogeen ciidamada ilaaliya xaruntaas.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka magaalada Muqdishu.

Dhacadadan ayaa timid xilli muddooyinkii dambe amniga magaalada Muqdishu uu soo xumaanayay kadib markii ay bateen weeraro iyo qaraxyo ay fuliyaan kooxda Al Shabaab

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM