Muran ka dhashay gabar ka badbaadey qarax oo la xaliyey

Image
Ikraan Yacquub ayaa ah astaanta weerarkii "Sooba Laba" kaasoo galaaftey nolosha in ka badan 177 ruux.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa wareejisay mas’uuliyadda gabadh yar oo lagu magacaabo Ikraan Yacquub kadib markii la caddeeyay aabihii dhalay.

Tani ayaa soo afmeertey sheegashooyin ka yimid dad kala duwan oo ku saabsanaa gabadhani hal sano jirka ah oo hooyadeed ay ku dhimatay qaraxii Soobe Laba.

Askartii ka jawaabtay qaraxa ayaa goobta ka qaaday Ikraan, iyada oo muuqaal laga duubay oo baafin ah uu qabsaday baraha bulshada maalinkii uu qaraxa dhacay.

Markii la geeyay isbitaalka, dad kala duwan oo fursad raadinaya ayaa soo sheegtay in ay gabadha dhaleen, taas oo adkaysan in la kala saari waayo qofka dhalay iyo qofka kale.

Dadkii soo doontay waxaa ka mid ahaa aabaheed Yacquub oo ugu dambeyn ay u xukuntay maxkamadda degmada in uu isaga dhalay, sidaasi loogu wareejiyay mas’uuliyadda gabadha.

Ku xigeenka taliyaha booliiska Marwo Sakiya Xuseen ayaa soo dhexgashay kiiska, waxaana markii hore gabadha la geeyay meel agoonta lagu xanaaneeyo, iyada oo markii dambe dhacaanka hiddo-sidaha lagu soo kala ogaaday in uu Yacquub dhalay.

Dagaalada iyo Qaraxyada ka dhacayay Soomaaliya 30kii sano ee lasoo dhaafay ayaa keenay in ay kala lumaan carruur iyo waalidiin badan, taas oo sidoo kale horseedday in carruurta si qaldan looga faa’iideysto, ayna gacanta ku dhigaan dad qaldan.

Ikraan Yacquub oo jirkeeda laga saaray dhawr firir, lagana daweeyay, ayaa iyada oo bogsatay lagu celiyay gurigooda, halkaas oo ay ku sugayaan dad badan oo qaraabo ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM