​Murashax Zakariye oo tanaasulay

Image

MUQDISHU, Somalia- Murashaxa madaxweynaha Somalia Zakariye Maxamud Xaaji Cabdi, ayaa ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay tartanka doorashada xilli uu ku sugnaa hoolka codaynta ku dhacayso.

Zakariye, ayaa tanaasulkiisa u sababeeyay arrimo ay kamid tahay tirada murashaxiinta oo badan iyo rajadiisa ku aadan inuu ku guulaysto booskaas.

"Waxaan halkaan ka caydaynayaa inaan ka haray tartanka doorashada Madaxweynaha, sababaha igu kalifayna, waxaa kamid ah; tirasha murashaxiinta oo badan iyo rajada aan kusoo bixi karo aad u yar," Ayuu yiri murashaxu.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu intaas ku daray in farogalin shisheeye oo qaawan lagu hayo tartanka doorashada Madaxweynaha Somalia, taasna ay sabab u tahay inuu tartanka uu ka haro.

"Arrimaha aan u tanaasulay kuma koobna intaan sheegay, waxaa kamid ah Faro galin qaawaan oo shisheeye oo ay samaynayaan dad halkaan jooga,"Sidaas waxaa yiri Zakariye oo ka haray loollanka loogu jiro Madaxweynaha Somalia.

Dhanka kale waxaa hoolka doorashada hadal laga siiyay Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole oo booskan u sharaxnaa kaasoo shalay tartanka isaga haray, wuxuuna cadeeyay inuu ka laabtay loollanki uu ugu jiray booskaas.

21 murashax oo kaliya ayaa booska maanta u tartamaya iyadoo hadda ay bilaabtay codaynta doorashada oo ugu hormaray Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM