​Murashaxiin ku shiray Kampala [Daawo+Akhriso]

Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya-  Afar murashax oo kamid ah mas'uuliyiinta u taagan xilka Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray shir ay ku yeesheen magaalada Kampala ee dalka Uganda oo ay uga hadlayeen doorashooyinka dalka.

Murashaxiinta kala ah; Sheekh Shariif Sheekh Axmed,  Cabdulqaadir Faarax Shirdoon Saacid, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Farole iyo Cabdinaasir Maxamed Cabdulle, waxay hambalyo ugu direen Barlamanka cusub iyo doorashadii Guddoonka golaha shacbiga iyagoo ugu baaqay inay ku dadaalaan sidii dalka looga samata bixin lahaa dhibaatooyinka ragaadiyay.

Waxay sidoo kale war-murtiyeedkooga baaq ugu direen beesha caalamka gaar ahaan xubnaha sida tooska ah faraha ugula jira doorashada,  waxayna ka codsadeen inay xurmeeyaan madaxbanaanida Somalia.

"Waxaan ugu baaqaynaa dawladaha shisheeye ee faragalinta ku haya hannaanka doorashada dalka in ay faraha kalabaxaan, xurmeeyaan madax-banaanida dalka, islamarkaana la xaqiijiyo in doorashadu kudhacdo caddaalad iyo hufnaan,"Ayaa lagu yiri qoraalka murashaxiinta.

Abaarta ka jirta Somalia, ayaa shirkaasi lagusoo hadal qaaday, waxayna baaq u direen dhammaan umadda Somaliyeed kuwooda wax haysta iyagoo ka dalbaday inay gurmad lasoo gaaraan dadka tabaalaysan ee jiilaalka baahsani saameeyay.

Waxay sidoo kale ka hadleen xaaladda siyaasadeed ee maamulka Galmudug, oo ay sheegeen inay aad uga xunyihiin, waxayna ku baaqeen in wixii jira lagu dhammeeyo si waafaqsan dastuurka u yaalla maamul goboleedkaasi.

"Waxaannu aad uga xunnahay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan maamul goboleedka Gal-Mudug, waxaannu ugu baaqaynay in arrinta sinabadgelyo ah  oo waafaqsan Dastuurka maamul goboleedka lagudhammeeyo,"Sidaas waxaa lagusoo afmeeray qodobo kamid ah war-murtiyeed kasoo baxay shirka  murashaxiinta Madaxweynaha Somalia.

War-saxaafadeedkan, ayaa yimid xilli maalintii khamiista ee lasoo dhaafay lasoo afmeeray doorashada Guddoonka golaha shacabka Somalia, waxaana hadda la sugayaa doorashada Madaxweynaha oo lagu wado inay qabsoonto dhammaadka bisha January, 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM