​Murashaxiin ka hortimid go'aanka Madasha [Akhriso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Lix kamid ah murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Somalia oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdishu caasumadda dalka, ayaa ka horyimid go'aan dhowr maalin ka hor kasoo baxay shirka Madasha wadatashiga madaxda Somalia.

Kulankaas oo lagu siyaadiyay xubnaha Aqalka Sare ee Barlamanka Somalia, ayaa murashaxiintuka horyimaadeen iyagoo sheegay in la baalmaray dastuurka dalka.

Qorshahan, ayay ku sifeeyeen inay qayb ka tahay boobka lagu hayo doorashada Somalia iyagoo ku baaqay in beesha caalamku soo faragashado howlaha socda gaar ahaan golaha ammaanka Qaramada Midoobay.

War-saxaafaadeed kasoo baxay murashaxiintaas oo nuqul kamid ah uu soo gaaray GO, ayaa sidoo kale ka digayay in dalka la galiyo fowdo siyaasadeed iyo colaado kala duwan.

Hadalkan, ayaa soo baxay xilli sidaas si lamid ah uga hortimid go'aankii madasha beesha caalamka oo shalay war-saxaafaadeed ay soo saareen kaga digay in la jabiyo dastuurka dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM