Murashaxiin qaadacay "heshiiskii" Aadan Madoobe iyo Laftagareen

Image
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayay ku eedeeyeen "caburinta iyo cagajugleynta" hogaamiyeyaasha siyaasadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Murashaxiinta madaxtinimada Koonfur Galbeed oo shir degdeg ah ku yeeshay magaala madaxda Muqdisho ayaa si adag u qaadacay qodobadii kasoo baxay wadahadaladii guddoomiye Aadan Madoobe iyo madaxwayne Laftagareen.

Heshiiskaas ka koobnaa lixda qodob ayay ku tilmaameen “go'aano dib—u—dhigaya dib-u-heshiisiinta la filayay kahor dhamaadka muddo xileedka" hogaamiyaha Koonfur Galbeed.

Hogaanka maamulka xaruntisa ku meelgaarka ah ay tahay magaaladda Baydhabo ayay ku eedeeyeen "afduubka iyo caburinta siyaasiyiinta iyo murashaxiinta".

"Waxaan wali Koonfur Galbeed ka jira dhaqankii ay shantii sano lasoo dhaafay shacabka iyo siyaasiyiinta Soomalaiyeed ay ka dhiidhinayeen sidda caburin, caga-jugleyn iyo is-hortaaga hogaamiyeyaasha siyaasada," ayay sheegeen.

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka federaalka ah iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa isku-afgartey lixda qodob ee hoos ku xusan kadib wadaxaajoodyo u socdey maalmihii lasoo dhaafay.

1- In dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaa’udiinka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida.

2- In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda ee labada heer (fedaraal iyo dowlad goboleed) si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada si looga xoreeyo dalka kooxaha Khawaarijta.

3- In laga wada-shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.

4- In sida ugu dhakhsiyaha badan Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu u soo magacaabo guddi heer farsamo oo ka shaqeeya dardar-galinta shirka arrimaha dib-u-heshiisiinta heer farsamo.

5- Furitaanka shirka waxaa loo asteeyey 5-ta Janaayo 2023-ka kaas oo ka dhici doona Baydhabo.

6- Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ayaa ka mahad celinayaa soo dhoweyntii diiraneyd ay u sameeyeen madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed ayaa salka ku haysa muddo xileedka madaxwayne Laftagareen oo siyaasiyiinta kasoo horjeeda ay sheegayaan in ay ku eg-tahay dhamaadka bishan balse isaga uu aaminsan yahay inuu baarlamaankiisa hal sano ugu daray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cudur ka dilaacay Soomaaliya oo 120 qof ku dhimatay

Waxay sheegtay in heerka dhimashadu uu waxyar ka sarreeyo heerka heerka degdegga ah ee Ururka WHO oo ka yar ama la mid ah 1 boqolkiiba.

  • Soomaliya

    20-05-2024

  • 12:52PM

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM