​Murashaxiinta Guddoonka Barlamanka Somalia oo maanta jeediyay khudbado

Image

MUQDISHU, Somalia- Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Barlamanka Somalia iyo ku-xigeenadiisa ayaa maanta Golaha shacabka ka hor jeediyay Khudbadahooda wax-qabad iyo Taariikh nololeedkooda.

Afar kamid ah xubnaha u taagan kursiga Guddoomiyaha golaha Wakiillada, ayaa jeediyay khudbadahooda ay uga hadlayaan waxqabadkooda soo socday, waxayna si midaysan u sheegeen inay qaab hufan ugu adeegi doonaan bulshada Somalia.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo mar kale booskan u sharaxan, ayaa sheegay inuu yahay murashax aan ku socon siyaasad qof ama koox, wuxuuna golaha shacabka ka hor sheegay inaysan jirin cid uu wato.

Booska Guddoomiyaha, waxaa u taagan Xildhibaanada kala ah;

1) Maxa'ed Sheekh Cusmaan Jawaari

2) Cabdirashiid Maxa'ed Xidig

3) Cabdifitaax Ibraahim Geesey

4) Idiris Cabdi Dhakhtar.

Booska Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad waxaa u taagay Mudanayaasha kala ah;

1) Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muuday.

2) Farah Sheekh Cabduqaadir.

3) Jeylaani Nuur Ikar Sheekh Suufi

4) Khadiija Maxamed Diiriye

5) Khalid Macow Abdulqadir

5) Saciid Xuseen Iid.

Musharaxiintan ayaa soo bandhigay waxyaabaha ay qaban-doonaan haddii la doorto, waxaana ay ka codsadeen Xildhibaanada cusub inay codadkooda siiyaan.

Gudiga Doorashada Gudoonka Barlamanka ayaa tilmaamay in 11-ka Musharax oo u taagan Gudoomiye ku xigeenka 2-aad, ay Berri jeedin doonaan Khudbadahooda.

Maalinta Khamiista ee soo socoto (11-12-ka January, 2017), ayaa la filayaa inay dhacdo Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Somalia.

Doorashadan ayaa ka duwan middii hore, waxaana mooda inay aad uga badantahay tirada Xildhibaanada doonaya booskan kuwii Sharaxnaa Sannadkii 2012.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM