​Murashaxiinta Madaxweynaha Somalia oo ka wal-walsan amnigooda

Image

MUQDISHU, Somalia- Qaar kamid ah murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, ayaa walaac xoog leh ka muujinaya amniga magaalada Muqdishu oo muddooyinkii dambe ka dhacayeen falal amniga liddi ku ah.

Durba waxaa jira fariimo baqdin galin ah oo loo diray murashaxiinta qaybtood sida uu warbaahinta la wadaagay Maxamed Maxamuud Culusow oo kamid ah ragga u taagan qabashada jagadaas.

"Fariin anagoo joogna shirka naloo keenay oo la leeyahay murashaxiintu waxay halis ugu jiraan in la ugaarsado ama ay soo foodsaarto khataro kala duwan taasoo loo sheegay xubin kamid ah murashaxiinta," Sidaas ayuu sheegay Mudane Culusoow.

Wuxuu codsi u jeediyay laamaha ammaanka Muqdishu isagoo ka dalbaday inay xil iska saaraan sidii loo sugi lahaa amniga guud ee dalka iyo kan murashaxiinta.

Mudane Culusow ayaa sidoo kale ka digay in lagu xad-gudbo shacabka magaalada Xamar kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in la xerayo dhowr maalin inta doorashadu ka qabsoomayso.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Somalia iyo laamaha amniga caasumadda dalka.

Hadalkan ayaa soo baxay xilli kooxda Al Shabaab weeraro kala duwan ka gaysanaysay magaalada Muqdish kuwaasoo qaybtood ku dhinteen Xildhibaano kamid ah Barlamanka Somalia iyo duubabkii dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada hadda jooga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirro ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo is-casilay, xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay doorashooyinka maamulka tan iyo 2022.

  • Soomaliya

    20-03-2026

  • 09:05PM

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM