​Murashaxiinta Madaxweynaha Somalia oo shir ku yeeshay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Murashaxiinta u taagan xilka Madaxwyenaha dowladda Federaalka Somalia, ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdishu, kaasoo ay uga hadleen arrimo kala duwan oo la xiriir doorashada la qorsheeyay inay dhacdo bisha Febreuary 2017.

Kulankaas oo ay joogeen dhamman murashaxiinta marka laga reebo Ra'isal wasaaraha iyo Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ayay uga hadleen qaabka ay u dhacayso doorashada iyo waxyaabaha la iska rabo.

Arrimaha ay aad uga falanqeeyeen waxaa kamid ahayd farogalinta doorashada ee waddamada shisheeye, waxayna ku baaqeen in beesha caalamku gacmaha ka laabato doorashada Somalia.

Xubnahan ayaa sidoo kale ka hadlay waqtiga la mudeeyay doorashada iyo shuruudaha lagu xiray mas'uuliyiinta raadinaya jagaadaas, waxayna soo saareen war-saxaafadeed uga hadlayaan mowqifkooda.

Goor-dhow naga fisha warkaas oo faah faahsan

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM