​Murashaxiinta Madaxweynaha Somalia oo shir ku yeeshay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Murashaxiinta u taagan xilka Madaxwyenaha dowladda Federaalka Somalia, ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdishu, kaasoo ay uga hadleen arrimo kala duwan oo la xiriir doorashada la qorsheeyay inay dhacdo bisha Febreuary 2017.

Kulankaas oo ay joogeen dhamman murashaxiinta marka laga reebo Ra'isal wasaaraha iyo Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ayay uga hadleen qaabka ay u dhacayso doorashada iyo waxyaabaha la iska rabo.

Arrimaha ay aad uga falanqeeyeen waxaa kamid ahayd farogalinta doorashada ee waddamada shisheeye, waxayna ku baaqeen in beesha caalamku gacmaha ka laabato doorashada Somalia.

Xubnahan ayaa sidoo kale ka hadlay waqtiga la mudeeyay doorashada iyo shuruudaha lagu xiray mas'uuliyiinta raadinaya jagaadaas, waxayna soo saareen war-saxaafadeed uga hadlayaan mowqifkooda.

Goor-dhow naga fisha warkaas oo faah faahsan

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Abaabulaya Kacdoon Shacab xili barakicinta dagaal isku bedeshay

Saacado kadib markii mucaaradka iclamaaliyay kacdoonka shacab, xaafadda Warlaliska oo degmada Deyniile katirsan.

  • Soomaliya

    06-05-2026

  • 09:30PM

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM