Mursal oo dab kusii shiday is-mari-waaga doorashooyinka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa Arbacada maanta ah xusay  in aysan aqbaleyn in doorashada soo aadan ay noqoto mid dadban.

Mursal oo ka hadlay furitaanka fadhigii ay maanta yeesheen mudaneyaasha Aqalka Hoose ayaa aaminsan in maamulada dalka aysan wax door ah ku lahayn jiheynta nooca doorasho ee ka qabsoomi karta wadanka 2020-21.

"Ma aqbaleyno in doorasho dadban ay waddanka dhacdo iyaddoo la ansixiyey xeerka doorashooyinka," ayuu u sheegay Xildhibaanada golaha.

Dhanka kale, Mursal oo weerar afka ah ku qaadey ku xigeenkiisa labaad Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in socdaalkiisa Dhuusamareeb uusan ku metelin golaha. "Guddoon daba socda xukuumad waa ceeb" ayuu yiri.

Xeerka doorashooyinka oo dhigaya in doorashada soo aadan ay noqoto qof iyo cod qabiil lagu saleeyay waxaa kasoo horjeestay maamulada iyo xisbiyadda mucaaradka, oo sheegay in baalmarsan yahay dastuurka.

Hadalka Mursal ayaa imaanaya xili madaxweyneyaasha dowlad goboleedyadda ay isku raaceen in doorashada loo qorsheeyay dhamaadka sanadkan aysan noqon karin qof iyo cod, lagana heshiiyo habka lagu maareynayo.

Maamuladda ayaa shir wadatashi ah ku casuumay madaxda dowladda federaalka ah oo ka dhici doono magaala madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb, kaasoo qaban-qaabadiisa ay socoto, wallow aanan lasoo bandhigin xiliga.

Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa iska sii xaadiriyey Dhuusamareeb, iyaddoo wararku tibaaxayaan in madaxweyne Farmaajo uu maalinta berri ah isla markaana ah Khamiis taariikhduna tahay 15-ka July uu tagayo.

Gudoomiye Mursal ayaa ku aragti ah Villa Soomaaliya oo ku adkeysaneysa in doorashadda soo aadan ay noqoto qof iyo cod, talaabadaas oo siyaasiyiinta ku sifeeyeen baadigoobka muddo kororsi maadaama waqtiga idlaanayo.

Baarlamaanka haatan shaqeynaya ayaa waqtigiisa uu dhacayaa bisha November ee sanadkan 2020-ka, halka xukuumadda ka dhamaanayo Febraayo, sanadka dambe ee 2021.

Soomaalida iyo caalamka ayaa isha ku haya natiijada uu dhalo shirka wadatashiga Dhuusamareeb kaas oo guul iyo guuldaraba wuxuu kusoo dhamaado qeexaya qaabka dalka uga gudbayo mar-xalada kala guurka ee uu wajahayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM