Mursal oo Eedeeyay Badbaado Qaran

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyihii hore ee golaha Shacabka Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo waraysi siiyay Telefishinka Universal ayaa mar uu ka jawaabayay su’aalo la xiriiray Doorashadii 2022 waxaa uu difaacay madaxweynihii hore, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

“Farmaajo Doorasho ma hor-taagnayn runta markaan kuu sheego anaga dalka ayaan samatabixinay “

Isaga oo sii hadlaya waxaa uu sheegay in mucaaradkii xiligaas ay doonayeen in ay Soomaaliya ku laabato Fawdo. Mucaaradkii wakhtigaas oo uu kamid ahaa madaxweynaha hadda xilka haya, Hassan Sheikh Maxamuud ayaa ku midaysnaa madasha Bad-baado Qaran.

Eedeymaha kasoo yeeray Gudoomiyihii hore ee golaha shacabka ayaa imaanaya Iyada oo uu dalka ka socdo hawlgal lagula Diriraayo kooxaha kasoo horjeeda dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM