Mursal oo ka hadlay kala dirista Guddiga Maaliyada [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Gollaha Shacabka ee Baarlaamanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay markii ugu horeysay go’aankii lagu kala Guddi hoosaadka Maaliyadda Aqalk Hoose.

Go’aanka lagu kala eryay Guddiga oo uu ku dhaqaaqay Ku xigeenka koowaad ee Gollaha Cabdiwali Ibraahim Muudey ayaa dhaliyay buuq iyo khilaaf horleh, kaasi oo sababay inay hakad galaan Fadhiyadda caadiga ah ee Gollaha.

Mursal, oo haatan ku sugan dalka Turkiga, halkaasi oo uu wareysi dhinaca Telafoonka ah ku siiyay VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa diiday inuu cadeeyo mowqifkiisa ku aadan kala dirista Guddiga.

Balse, wuxuu si cad u sheegay in lagu sameyn doono dib u eegis marka uu yimaado caasimada dalka ee Muqdisho, isaga oo carabka ku dhuftay in Gudoonka uu baaris ku sameeyay, natiijada ayuu ka dhawaajiyay in lasoo bandhigayo.

“Hadii xeer-hoosaadka Gollaha uu qabo in gudoonka kala diro karo Guddiga [wuu dhaqan-galayaa], hadii uu kasoo horjeedana [ma ahan sharci],” ayuu Mursal ku jawaabay markii la waydiiyay go’aanka uu ka qaadanayo.

Gudoomiyaha Barlamanka oo wax laga waydiiyay hadal kasoo yeeray wasiirka ciyaaraha oo ahaa inaanu waxba ka bedali karin go’aanka Muudey ayaa ku tilmaamay wax aanan meesha ku jirin.

“Dalka waxaa ka jira sharci...Shaqsi wax go’aan ah ma gaari karo…Marka aniga wax ma go’aan min karo, Gollaha wuxuu ka kooban yahay 276 mudane, iyaga ayaana horgayn doonaa,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyntii, Afhayeenka Gollaha Shacabka ee Baarlaamanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa meesha ka saarey inuu xiriir dhow la leeyahay xukuumadda, islamarkaana uu danaheeda ufulinayo.

“Hay’addaha dowlada way kala madax banaan yihiin…Wararkaasi waa kuwa mala awaal ah,” ayuu ku jawaabay markii la su’aalay waxa ka jira in sababta ay dowlada ugu garab siisay in loo doorto Gudoomiye ay tahay inaanu go’aanadeeda baalmarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM