Mursal oo ku dhawaaqay in laga tanaasuley Mooshinkii Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan  ayaa shaaciyay inuu buray Mooshinkii xilka qaadista ee laga keenay Madaxwayne Farmaajo.

Sida laga qoraal kasoo baxay xafiiskiisa, go'aankan ayaa ka dambeysay markii uu Gudoomiyuhu la kulmay Xildhibaanada Mooshinka xilka qaadista Farmaajo keenay, oo tiradooda gaareyso 92 mudane, kuwaasi oo uu ka qabtay 9-kii bishaan.

Mursal ayaa daboolka ka qaaday in cabasho ay uga timid 14 Xildhibaan kuwaasoo ka dacwoonaya in aysan saxiixin, kana mid ahayn Mooshinka.

Gudoomiyaha ayaa caddeeyay in kadib kulamo dhowr ah, oo gudoonka Gollaha Shacabka la qaateen Xildhibaanada ay ku heshiiyeen in iyadoo la tixgelinayo xaaladda dalka uu ku sugan yahay gebi ahaanba laga tanaasulo hindisaha xilka qaadista Madaxweynaha.

Labadda qodob ee ugu waawayn ee Mursal u sababeeyay tanaasulka;

1: Cabashada 14-ka Xilldhibaan ee sheegay in aysan saxiixin Mooshinka.

2: Inaanu dalka lahayn maxkamad Dastuuri ah oo qodobada lagu soo eedeeyay Madaxwaynaha kala caddeysa.

Xildhibaanada Mooshinka keenay ayaa ku eedeeyay Madaxwaynaha; khiyaano qaran, inuu lagalay Itoobiya iyo Eritrea heshiisyo qarsoodi ah, inuu ku tuntay Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka uyaalay.

Go’aanka Mursal ayaa yimid kadib markii kulan gaar ah uu la yeeshay Ra’iisul Wasaare Khayre oo ay kawada hadleen sidii looga takhalusi lahaa Mooshinka.

HALKAN KA AKHRISO QORAALKA:

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM