Mursal oo soo farageliyay muranka ka taagan Xajka

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulan la qaatay maanta oo Isniin ah Gudiga Garsoorka, Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Afhayeenka Gollaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Mursal uu faray Guddiga inay si deg deg ah u xaliyaan muranka ka taagan arrimaha Xajka 2018.

Murankaan oo qarka u saaran inuu Xujeyda Soomaaliyeed ka baajiyo sanadkaan gudashada Acmaasha Xajka, ayaa waxuu sababay inuu xilkiisa ku waayo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo mas'uul kale.

”Kulankeena maanta waxa uu ahaa mid muhiim ah, Xubnaha guddiga waxa kula dardaarmay iney sii laba jibaaraan shaqooyinka ay hada hayaan, aad ayaa ugu qancay warbixinta ay ila wadaageen” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Kulanka sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Gollaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo Habdhowraha golaha shacabka Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux).

Isku dhax-yaaca ka taagan arrimaha Xajka ayaa waxa la fahansan yahay inay saameyn ku leeyihiin Shirkadaha Duulimaayadda kala duwan ee dalka ka jira, kuwaasoo ku loolamaya inay iyaga Xujeyda Soomaaliyeed u qaadaan dalka Sacuudiga.

Talaabadaan uu qaaday Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaanan la ogayn waxay ka bedali karto baqdinta ay qabaan Xujeyda Soomaaliyeed ee ku aadan in aadi waayaan Xajka sanadkaan.

Xildhibaanno iyo Mas'uuliyiin kamid ah dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin muranka taagan, kuwaasoo wata shirkado gaar ah oo ay leeyihiin, iyagoo doonaya inay munaasabada xajka dhaqaalo badan ka sameeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM