Mursal oo War kasoo saarey dilka Khasnajigii Baarlamaanka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah kasoo saarey dil Gabal-dhicii maanta oo Isniin ahayd Muqdisho loogu geystay Cumar Dalxa Maxamed, oo kamid ahaa Shaqaalaha rayidka ee Gollaha.

Marxuum Cumar oo ahaa Khas-najigii xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa dilkiisa geysatay sida ay Goobjoogayaal u sheegeen Warisdaha Garowe Online rag ku hubeysan xilli uu marayay nawaaxiga Isgoyska Shaqaalaha ee degmada Waaberi.

“Ugu horeyn, waxaan tacsi tiiraanyo leh aan u dirayaa ehelka Marxuum Cumar Dalxa, kaasoo ay ku dileen koox manaxayaal ah isagoo Sooman, waaxda Horseed ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Gudoomiye Mursal.

Wuxuu ku tilmaamay Gudoomiyaha in marxuumka la khaarjiyay uu ahaa shaqsi aad ugu fir-fircoonaa shaqadda xarunta Baarlamaanka Federaalka oo uu aad uga dhex-muuqday howlwadeenada. Wuxuu u rajeeyay in EBBE uu siiyo naxariistiisa.

“Waxaan urajeynayaa Cali Cabdullaahi Cabdi oo gaariga la saarnaa marxuumka la dilay, soo kabasho iyo caafimaad deg deg ah. Labadooda waxaa la beegsaday iyagoo Sooman, waxaan ugu baaqayaa laamaha amaanka inay soo qabtaan kuwii falkan ka dambeeyay,” ayuu yiri Mursal.

Sidaas si lamid ah, weerarkan waxaa la babaaday Labo qof oo kale, kuwaasoo mid kamid ah ay ahayd Haweeney, halka kan kale uu ahaa Darawalkii Baabuurka u waday. Mana jirto illaa hadd cid sheegatay mas'uuliyadda dilkan.

Muqdisho waxaa ka dhacayay maalmihii u dambeeyay dilalka loo geysanayo askarta dowlada, mas'uuliyiin iyo xubnaha shaqaalaha dowlada, iyadoo ay xusid mudan tahay in badankooda ay sheeganayeen falalkan Kooxda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM