Musharax Dr Abdinasir oo lagu soo dhaweeyey Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir Abdille Mohamed oo kamid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashada lagu ballansanyahay inay dhacdo dhammaadka sannadkan.

Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir oo u tartamay xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2016 ayaa haddana markale u taagan tartankaas, iyadoo uu wado olole aad u ballaaran oo ku doonayo inuu ku hanto kursiga looga arrimiyo Soomaaliya ayaa dadka wax falanqeeyaa ay ku tiriyaan inuu yahay musharaxiinta ugu miisaanka culus.

Waxaa Muqdisho kusoo dhaweeyey Musharaxa masuuliyiin ka tirsan Dowladda , Ganacsato, Waxgarad, Oday dhaqameedyo, dhallinyaro iyo haweenka ku nool caasimadda dalka ee Muqdisho, isagoo loosii galbiyey xarunta ololaha Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir isla markaasna dhex lugeeyey taageerayaal aad u farabadan oo oo sitay boodhadh ay ku qoranyihiin hadallo soodhaweyn iyo taageero musharaxnimadiisa ku saabsan.

Wuxuu Musharaxu kula hadlay xarunta ololaha taageerayaasha Xisbiga Gurmad iyo dadweyne kale oo kasoo qeybgalay soodhaweyntiisa wuxuuna sheegay inuu sannadka filayo in dalka ay ka dhici doonto isbedel  iyo doorasho uu rajeynayo inay Shacabka Soomaaliyeed dhibka ka saari doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM