Musharaxiinta kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland oo la faafiyey

Image
Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa liiskan u gudbiyey ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble.

MUQDISHO, Soomaaliya - Liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi (Somaliland) ayaa Talaadada maanta ah waxaa looga dhawaaqay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumada xilgaarsiinta, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa liiska u gudbiyey wasiirka koowaad, Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri "Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi ( Somaliland) ka guddoomay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed".

Cabdi Xaashi ayaa, sida ku xusan warka qoraalka ah, wuxuu kaligii ku tartamayaa kursiga koowaad. Ma jiro musharax la baratamaya. Tani waxay la macno tahay in uu si toos ah u noqonaya Senator dooran.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka, Baashe Maxamed Ismaaciil, ayaa wuxuu kasoo dhex-muuqdey liiska musharaxiinta waxaana la tartamaya Axmed Ibraahim Maxamed oo loo garan-og-yahay Qorane.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo afartii sano ee lasoo dhaafay kamid ahaa mucaaradka ugu weyn ee maamulka waqtigu ka dhacay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u sharaxan kursiga shanaad.

Wasiirka dastuurka xukuumadda xilgaarsiinta Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale ku jira musharaxiinta isaga oo wajahaya tartan adag oo kaga imaanaya hal musharax oo ah Ibraahim Iidle Suleymaan.

Suleymaan wuxuu horey u soo noqdey guddoomiyaha maxkamada ciidamadda. Sidoo kale, Wasiirka warfaafinta xukuumada xilgaarsiinta Cusmaan Abuukar Dubbe wuxuu ku qoran yahay kursiga todobaad.

Hoos ka akhriso magacyadda musharaxiinta

No photo description available.

No photo description available.

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM