Musharaxiinta maamulka Garbahaarey oo la gudbiyey

Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa loo gudbiyey liiska musharaxiinta afarta ah ee loosoo magacaabayo guddoomiyaha degmadda Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Guddiga wasiiradda ah ee xukuumadda xilgaarsiinta ah u saartey xalinta xiisadda gobolkan ayaa Axmed Madoobe u gudbiyey musharaxiintaan oo ay soo xuleen wax-garadka iyo odayaasha degaanka.

Nuur Maxamed Jaamac iyo Cabdi Xaashi Diiriye ayaa loosoo xulay jagadda guddoomiyaha, halka Xuseen Baniin iyo Aadan Cismaan Nuur loosoo xulay in ay qabtaan xilka guddoomiye ku xigeenka.

Heshiiska 27-dii May, 2021 ay caasimadda Muqdisho ku saxiixeen madaxda Soomaalida ayaa xeerinaya in maamul cusub loo magacaabo Garbahaarey oo kamid ah labada degaan doorasho ee dowladda Jubaland.

Qadiyadda gobolka Gedo oo ay wehliso qaabka Muqdisho loogu xulayo wakiiladda goboladda waqooyi ama Somaliland ayaa kamid ahayd arrimaha daahiyey qabsoomida doorashooyinka 2020-21 ee Soomaaliya.

Sida ay wararku sheegayaan, guddiga heerka wasiir ee loo saarey xalinta xiisadda gobolka Gedo ayaa maanta gaarey Kismaayo halkaasoo ay wadaxaajoodyo kula qaadanayaan mas'uuliyiinta maamul goboleedka.

Gudbinta liiska musharaxiinta maamulka Garbahaarey ayaa waxay kusoo aadeysa xilli ay soo dhow-dahay waqtiga loo qabtey in ay bilaabaneyso doorashadda kuraasta Aqalka Sarre oo ah 25-ka bisha Julaayo, 2021-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM