Baaq iyo digniin laga soo saarey shirka Dhuusamareeb

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta madaxtinimada doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa Isniinta maanta ah waxay lix qodob kasoo saareen shirka lagu wado in uu ka furmo Dhuusamareeb.

Wadahalada ayay ku baaqeen in la balaariyo isla markaana ay ku biiraan saamileyda siyaasadeed ee tabashadda ka qaba geedi-u-socodka doorashooyinka tusaale ahaan afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi.

Wadaxaajoodyadda ayay soo jeediyeen in la siiyo waqti ku filan isla markaana dhinacyadda ay si qoto dheer uga doodaan qodobadda la isku hayo "maadaama mowqifkooda uu si weyn u kala fog-yahay".

Madaxweynaha muddo xileedkiisa sii dhamaanayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayay uga digeen in uu shirka ka dhex-abuuro khilaaf "si uu marmarsiyo ugu helo soo-nooleynta fekerkiisa muddo kororsiga".

Shirka Dhuusamareeb ayay ku qeexeen "fursadii ugu dambeysay ee dalka looga saari lahaa jahwareer siyaasadeed" isla markaana doorashadda soo aadan u noqon lahayd mid natiijadeeda lawada aqbalo.

Beesha Caalamka ayay uga mahadceliyeen dedaalka ay ku bixisay qabsoomida shirkaan. Diblumaasiyiinta waxay korjoogteynayaan kulankan si uu u noqon mid miradhal ah.

Dhanka kale, musharaxiinta oo sheegay in gobolka Banaadir mudan yahay in uu helo metelaad ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uu u adeegsanayo olole iyo ciyaar siyaasadeed oo uu ku kala qeybinayo dadka.

Hoos ka akhriso qoraalka musharaxiinta

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM