Musharaxiinta: Farmaajo wuxuu wiiqayaa cadaalad Ikraan

Image
Qoraalka ku naqdiyey talaabada Rooble ayay sidoo kale waxay ku qeexeen mid khal-khal-gelinaya amniga doorashooyinka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga musharraxiinta ayaa bogaadiyey "go’aanka ay mas'uuliyadda ku dheehan tahay" ee ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble shaqada kaga joojiyey madaxii hay'ada NISA.

Shaqo joojinta Fahad Yaasiin Daahir ayay ku sheegeen "mid fure u ah caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay". "Waxay kaloo billow u tahay soo celinta sumcada hay’adda," ayay raaciyeen.

"Goluhu wuxuu dalbanayaa in baaritaan lagu sameey taliyihii xilka laga joojiyey," ayay ku dareen. Qoraalka Farmaajo ayay ku tilmaameen mid lagu carqaladeynayo baaritaanka iyo cadaalad ay hesho Ikraan.

Sidoo kale, bayaanka Farmaajo oo u ogolaanaya Fahad in uu shaqadda sii wato ayay ku sifeeyeen mid lagu khalkhal-gelinayo amniga qaranka iyo kan doorashooyinka heer federaal ee ka bilowday waddanka.

Ciidamadda ayay ku tartarsiiyeen in ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda una hogaansamaan amarka wasiirka koowaad "kana digtoonaadan in ay ku kadsoomaan amarada madaxweynaha xilkiisu dhacay".

Shacabka, golaha wadatashiga qaranka iyo beesha caalamka ayay cod dheer ugu qaylo-dhaamiyeen in ay gacan-ka-siiyaan Rooble in uu cadaalad u goobo Ikraan oo la la'yahay labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Ugu dambeyn, agaasimaha cusub ee NISA, Bashiir Goobe, ayay ka rajeeyeen in uu soo celiyo sumcadii hay'addu lahayd. Qoyska Ikraan ayay hoosta ka xariiqeen in ay garab-taagan yihiin illaa ay cadaalad la helayaan.

Hoos ka akhriso qoraalka musharaxiinta

https://scontent-lhr8-1.xx.fbcdn.net/v/t39.30808-6/241352266_4931094463586070_2598679129386461934_n.jpg?_nc_cat=108&ccb=1-5&_nc_sid=8bfeb9&_nc_ohc=hXuBdDk-mMMAX_YndVq&_nc_ht=scontent-lhr8-1.xx&oh=c69e405237dfd521824a223f8b989500&oe=613A3B21

https://scontent-lhr8-1.xx.fbcdn.net/v/t39.30808-6/240665781_4931094616919388_1596142839791485848_n.jpg?_nc_cat=107&ccb=1-5&_nc_sid=8bfeb9&_nc_ohc=qZYUuvK2yeQAX8db_PL&_nc_ht=scontent-lhr8-1.xx&oh=769bec0e6195edf01d34d81cd566f41a&oe=613AAEDE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM