Musharaxiinta oo iclaamiyey isu-soo-bax liddi ku ah DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya ayaa Axada maanta ah waxay ugu baaqeen dadweynaha  isu-soo-bax ka dhan ah Villa Soomaaliya.

Banaanbaxa ayay xuseen in uu noqonayo mid lagu diidan yahay "in aysan muuqan ifafaalo dalka uga dhaceyso doorashooyin loogana dalbanayo dowladda in ay daacad ka noqoto coddeynta".

Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyaha Midowga oo war-fidiyeenka maanta kula hadlay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, ayaa xusay in mudaaharaadka uu qabsoomayo maalinta Jimcaha.

Dhawaqa Shariif ayaa ka dambeeyay markii musharaxiinta oo isugu jira madaxweyneyaal hore, ra'iisul wasaare hore iyo siyaasiyiin ay maanta ku shireen Hotel Jazeera.

"Waa maalintii lixaad oo madaxweynaha xilkiisu dhamaadey aysan doorasho qabsoomin ifafaalaheedana aysan muuqan dedaal lagu qanci karana in dowladda daacad ka tahay qabashadda doorasho ma muuqato," ayuu Shariif ku daray.

Inkasta oo horey u balanqaadeen in ay kasoo muuqan doonan mudaaharaadka looga soo horjeedo dowladda, haddana ma cadda hadii banaanbaxa Jimacada ay xaadirayaan.

"Waxaan rabaa in aan u sheego shacabka Soomaaliyeed cidda dowladnimada iska leh waa ayaga, cidda lagu tartamayo waa ayaga. Sidaas darteed, waxaan go'aansanay haddaan nahay musharaxiinta in maalinta Jimcaha la isugu yimaado isu-soo-bax sababtuna waxa waaye arrimahaas aan soo sheegnay in dowladda aysan daacad ka ahayn in ay doorasho qabato," ayuu xusay.

Dibad-baxa ay ku dhawaaqeen musharaxiinta ayaa kusoo aadaya xilli dowladda ay maanta bar kontarool horleh ku kordhisay jidadka mana la ogga in ay sii ogeyd qorshahaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM