Musharaxiinta oo iclaamiyey isu-soo-bax liddi ku ah DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya ayaa Axada maanta ah waxay ugu baaqeen dadweynaha  isu-soo-bax ka dhan ah Villa Soomaaliya.

Banaanbaxa ayay xuseen in uu noqonayo mid lagu diidan yahay "in aysan muuqan ifafaalo dalka uga dhaceyso doorashooyin loogana dalbanayo dowladda in ay daacad ka noqoto coddeynta".

Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyaha Midowga oo war-fidiyeenka maanta kula hadlay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, ayaa xusay in mudaaharaadka uu qabsoomayo maalinta Jimcaha.

Dhawaqa Shariif ayaa ka dambeeyay markii musharaxiinta oo isugu jira madaxweyneyaal hore, ra'iisul wasaare hore iyo siyaasiyiin ay maanta ku shireen Hotel Jazeera.

"Waa maalintii lixaad oo madaxweynaha xilkiisu dhamaadey aysan doorasho qabsoomin ifafaalaheedana aysan muuqan dedaal lagu qanci karana in dowladda daacad ka tahay qabashadda doorasho ma muuqato," ayuu Shariif ku daray.

Inkasta oo horey u balanqaadeen in ay kasoo muuqan doonan mudaaharaadka looga soo horjeedo dowladda, haddana ma cadda hadii banaanbaxa Jimacada ay xaadirayaan.

"Waxaan rabaa in aan u sheego shacabka Soomaaliyeed cidda dowladnimada iska leh waa ayaga, cidda lagu tartamayo waa ayaga. Sidaas darteed, waxaan go'aansanay haddaan nahay musharaxiinta in maalinta Jimcaha la isugu yimaado isu-soo-bax sababtuna waxa waaye arrimahaas aan soo sheegnay in dowladda aysan daacad ka ahayn in ay doorasho qabato," ayuu xusay.

Dibad-baxa ay ku dhawaaqeen musharaxiinta ayaa kusoo aadaya xilli dowladda ay maanta bar kontarool horleh ku kordhisay jidadka mana la ogga in ay sii ogeyd qorshahaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM