Musharaxiinta oo qaadacay doorashooyinka Soomaaliya

Image
Golaha ayaa oo horey u diidey muddo kororsi aan sharci aheyn oo uu isku dayey Farmaajo ayaa ka fekeraya talaabooyin kale.

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga musharaxiinta ayaa gabi ahaan ku tilmaamey doorashada ka socota qaar ka tirsan maamulada in guud ahaan tahay boob iyo in la aqbali karin.

Golaha oo bayaan faafiyey ayaa eedeeyey Rooble islamarkana qaadacey doorashada iyaga sheegey in wadatashiyo degdeg ah la yeelanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Sida ku xusan qoraalkan uu arkay Garowe Online, musharaxiinta ayaa oo horey u diidey muddo kororsi aan sharci aheyn oo uu isku dayey Farmaajo ayaa ka fekeraya talaabooyin kale.

"Golaha Midowga Murashaxiinta marna raalli kama aha, mana aqbalayo, qaybna ka noqon maayo boobka socda ee lagu dibindaabinayo shacabka Soomaaliyeed, laguna burburinayo geeddi-socodkii nabadda iyo dhismaha dawladnimada," ayay sheegeen.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Goluhu wuxuu watadashi la yeelanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada, si loo helo xal qaran oo dalka looga samatabixiyo halista ku soo fool leh xasilloonida, dawladnimada iyo wadajirka ummadda".

"Waxa socda laguma tilmaami karo doorasho, waa boob qaawan oo dalka u horseedi kara qalalaase siyaasadeed, xasillooni darri iyo nabadgelyo la'aan," ayaa ku dareen war-saxaafadeedka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay: "Golaha Midowga Musharraxiinta wuxuu cadeynayaa inuusan raalli ka ahayn, aqbalayn, qaybna ka noqon doonin boobka socda ee lagu dibindaabinayo shacabka Soomaaliyeed, laguna burburinayo geeddi-socodkii nabadda iyo dhismaha dowladnimada".

Golaha Musharaxiinta oo uu gudoomiye u yahay Sheekh Shariff ayaa awood ku leh magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho halkaasoo ay abaabul xooggan ka sameyn karaan xili kasta.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

No photo description available.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM