Musharaxiinta oo qaadacay doorashooyinka Soomaaliya

Image
Golaha ayaa oo horey u diidey muddo kororsi aan sharci aheyn oo uu isku dayey Farmaajo ayaa ka fekeraya talaabooyin kale.

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga musharaxiinta ayaa gabi ahaan ku tilmaamey doorashada ka socota qaar ka tirsan maamulada in guud ahaan tahay boob iyo in la aqbali karin.

Golaha oo bayaan faafiyey ayaa eedeeyey Rooble islamarkana qaadacey doorashada iyaga sheegey in wadatashiyo degdeg ah la yeelanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Sida ku xusan qoraalkan uu arkay Garowe Online, musharaxiinta ayaa oo horey u diidey muddo kororsi aan sharci aheyn oo uu isku dayey Farmaajo ayaa ka fekeraya talaabooyin kale.

"Golaha Midowga Murashaxiinta marna raalli kama aha, mana aqbalayo, qaybna ka noqon maayo boobka socda ee lagu dibindaabinayo shacabka Soomaaliyeed, laguna burburinayo geeddi-socodkii nabadda iyo dhismaha dawladnimada," ayay sheegeen.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Goluhu wuxuu watadashi la yeelanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada, si loo helo xal qaran oo dalka looga samatabixiyo halista ku soo fool leh xasilloonida, dawladnimada iyo wadajirka ummadda".

"Waxa socda laguma tilmaami karo doorasho, waa boob qaawan oo dalka u horseedi kara qalalaase siyaasadeed, xasillooni darri iyo nabadgelyo la'aan," ayaa ku dareen war-saxaafadeedka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay: "Golaha Midowga Musharraxiinta wuxuu cadeynayaa inuusan raalli ka ahayn, aqbalayn, qaybna ka noqon doonin boobka socda ee lagu dibindaabinayo shacabka Soomaaliyeed, laguna burburinayo geeddi-socodkii nabadda iyo dhismaha dowladnimada".

Golaha Musharaxiinta oo uu gudoomiye u yahay Sheekh Shariff ayaa awood ku leh magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho halkaasoo ay abaabul xooggan ka sameyn karaan xili kasta.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

No photo description available.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM