Musharaxiinta oo soo dhaweeyay baaqa Puntland iyo Jubaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa soo dhaweeyay magacaabista Guddiyada Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

"Wuxuu kaloo soo dhaweynayaa in ay shir degdeg ah ay isugu yimaadaan Dowladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada, Midowga Murashaxiinta iyo Bulshada Rayidka ah si xal wadar oggol ah loogu helo caqabadaha ku gudban hirgelinta heshiiskii 17-kii September 2020," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay musharaxiinta.

Musharaxiinta ayaa dalbadey in la hubiyo meesha laga saaro xubnaha ay dureen ee kamid ah guddiyadda lagu muransan-yahay ee doorashooyinka.

"Waxaan diyaar u nahay in aan gudbino liiska hadii la helo goob iyo qaab loo hubiyo guddiyadda," ayay hoosta ka xariiqeen.

Madaxweyne Farmaajo ayay ku booriyeen in uu qaato "kaalin mas'uuliyadeed si loo xaliyo caqabadaha hortaagan doorashooyinka". Qodobada la isku hayo waa guddiyadda lagu muransan-yahay, xulista wakiilada Somaliland, iyo ciidamadda dowladda geysay gobolka Gedo.

Beesha Caalamka ayay ugu baaqeen in ay xoojiso dedaaladda ay xalka ugu goobeyso khilaafka jira, waxayna madaxweyne Farmaajo uga digeen in uy qabto doorasho hal dhinac ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Jubaland

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay inay gabi ahaanba la wareegtay saldhigga iyo jasiiradda Kudhaa.

  • Soomaliya

    21-01-2026

  • 09:09AM

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM