Musharaxiinta oo taageero u raadinaya dhismaha gole cusub

Image
Talaabadan ayay u cuksadeen ka hor-tagida wax ay ugu yeereen "magacaabid siyaasadeed".

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta ayaa ka doodaya in la dhiso "Golaha Kumeel Gaarka ee Qaranka," sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo aad ugu dhow kulamadda ay yeesheen maalmihii lasoo dhaafay.

Sida ay muujinayaan warbixinadda, golaha ayaa talaabaddan waxay u cuskanayaan "si looga badbaado waxa ay ugu yeereen Magacaabida Siyaasadeed oo burbur ku keenta dowladnimada".

Tafaasiisha ayaa intaas waxay ku daraysaa in wadahadalo la leeyihiin madaxda maamuladda si ay ugu qancinayaan in la sameeyo golahaas oo dalka ka arrimiya dalka muddo laba sano ah laguna qabto doorasho xalaal ah.

Talaabooyinkan ayaa kusoo beegmaya xilli musharaxiinta ay qaaaceen doorashooyinka ka bilowday dalka ayna ku sifeeyeen mid aan daahfurneyn kuna saleysan boob iyo ku takrifalka mas'uuliyadda madaxda waddanka.

Midowga musharaxiinta oo xalay war-saxaafadeed soo saarey ayaa gabi ahaan ku tilmaamey doorashada ka socota qaar ka tirsan maamulada in guud ahaan tahay boob iyo in la aqbali karin.

Sida ku xusan qoraalkan uu arkay Garowe Online, musharaxiinta ayaa oo horey u diidey muddo kororsi aan sharci aheyn oo uu isku dayey Farmaajo ayaa ka fekeraya talaabooyin kale.

Golaha Musharaxiinta oo uu gudoomiye u yahay Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ee dalka, ayaa awood ku leh magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho halkaasoo ay abaabul xooggan ka sameyn karaan xili kasta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM