Musharaxiinta oo weeraray Farmaajo una digay maamulada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa xalay Muqdisho waxay kaga qeybgaleen munaasabad ay diiradda ku saareen mar-xalad kala guurka iyo xaaladda siyaasadeed ee waddanka haatan ku sugan yahay.

Tartameyaasha coddeynta 2020-21 oo carabka ku adkeeyay in doorashadda waqtigeeda ugu dhacdo si nabad ah ayaa ku nuux-nuuxsaday in aysan marnaba aqbali doonin nidaam doorasho oo hal dhinac u raran.

Xilli ay diideen jadwalkii uu soo saarey guddiga doorashooyinka ee lagu muransan yahay, musharaxiinta ayaa ku eedeeyay Farmaajo in uu abuurayo xasarad talaabadaas oo ay xuseen in uu mas'uuliyadeeda qaadayo. Sidoo kale, waxay ku calaamadeeyeen "kelitalisnimo iyo in uu doonayo boob doorasho".

Musharax Daahir Maxamuud Geelle oo shacabka ugu baaqay "in ay iska qabtaan dulimade Farmaajo" ayaa meesha ka saaray in ay colaad hurinayaan.

"Dagaal sokeeye loo noqon maa, kelitalisnimo ma dooneyno, doorasho xalaal ah oo aan la ogeyn cidda soo baxeysa marka sanduuqa la tago waa in la qabtaa," ayuu carabka ku adkeeyay.

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo shacabka ugu baaqay in ay isu soo bax nabadeed iska caabiyaan ficilada gurracan ee Farmaajo ayaa wacad ku maray in ay ku biiri doonan, isaga oo xusay in madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo si silmi ah xukunka looga qaadi doono haduu isku dhejiyo.

"Isku soo duuduuboo Farmaajo wuxuu ku tashanayaa [Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed]. Wuxuu leeyahay Puntland iyo Jubaland waan ka maarmaa. Doorashada Somaliland-na wuxuu rabaa annaga oo joogno in uu [Muqdisho] ku qabto. Haduu sidaas leeyahay, Soomaaliya 4.5 ayay wax ku qeybsataa, maamuladaas haduu ka maarmo isaga ayaa metelo, annagaa iyo Shariif Sakiin ayaa ku tartameyno asaga tartanka kuma jiro," ayuu tibaaxay.

Musharax Cabdulqaadir Cosoble Cali ayaa sheegay "maalin walba waxaan u hadleynaa oo aan bayaan u soo saareynaa in shacabka u cadaato in qofka raba la isku baaba'o oo dagaal sokeeye dhaco in uu yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo".

Musharax Shariif Xasan Aadan oo madaxda dowlad goboleedyadda ugu baaqay ugana dhigay in aysan qaban doorashooyin aan la isla ogoleyn ayaa Farmaajo ku waaniyey in uu dhexda soo dhigo doorashooyinka".

"Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo asaga wuu noo tirinaayey markii [aan xafiiska joognay] asagana hadda ha ogolaado in loo tiriyo doorashadana dhexda hasoo dhigo laakiin ciyaarta anigaa soo xulanaya garsooraha iyo ciyaartoyda ma shaqeyneyso," ayuu ku adkeystay.

Musharax Xasan Cali Khayre ayaa shaaca ka dhigay in muranka ka taagan doorashooyinka 2020-21 awadeed loo joojiyey qeyb kamid ah kaalmada dhaqaale ee Soomaaliya ka heli jirtay caalamka iyo taageerada ciidamadda.

"Marka aan ka hadlayno muhiimada qabashada doorasho ku dhacda si la wada ogolyahay, ma ahan ama kama dhigna inaan ka fakarno 40-ka maalmood ee soo socdo oo kali ah, ama 4-ta sano ee ku xigta. Waa inaan ka fakarnaa, maskaxdana ku heynaa 40-ka sano ee soo socda," ayuu Khayre ku daray.

Musharax Xasan Sheekh Maxamuud oo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay in uu wado "daandaansi dagaal" ayaa yiri: "Dalkan cidna isma qab weynee dowldnimadaa la ilaalinayaa".

"Madaxweyne Farmaajo fariintan horey waan ugu diray haddana waan ugu celinaa; Villa Soomaaliya hadii si qurux badan uga soo baxdo nolol qurux badan oo ixtiraam leh ayaa taalo laakiin hadii laga soo qoor-qabto ma lihid," ayuu Xasan Sheekh Maxamuud ku daray.

Ugu dambeyntii, Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta oo hoosta ka xariiqay in xasiloonida waddanka ay ku xiran tahay doorasho la isla ogol-yahay, ayaa tibaaxay in aysan aqbali karin wax taas kasoo horjeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM