Musharixiinta KG oo la diiwaangelinayo iyo cabsi jirta

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Guddiga Doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta oo Axad ah billaabaya diiwaangelinta musharixiinta isku soo taagey inay ka qeyb-galaan tartanka xilka Madaxweynaha.

Howsha diiwaangelinta ayaa socon doonta illaa maalinta berri ah, waxaana xigi doonta dhageysiga khudbadaha musharixiinta buuxiya dhamaan shuruudaha, iyadoo hadal-jeedinta oo ka dhacaysa Baarlamaanka loo balansan yahay 2da illa 3da December.

Doorashada Koonfur Galbeed ayaa labo jiir dib u dhac ku yimid xilli ay jirto walaac laga qabo inay si xor iyo cadaalad ah u dhaco, maadaama ay jiraan faragelin iyo cod-iibsasho lagu eedeeyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay ku hayso.

Waxa kaloo shacabka Baydhabo iyo siyaasiyiinta degaanada Koonfur Galbeed ay qabaan cabsi badan, oo ku aadan inuu dagaal ka dhaco Konfur Galbeed hadii aysan u dhicin codbixinta qaab hufan, oo aan faragelin lahayn.

Musharixiinta waxaa ku jira kuwa la sheegay inay Xukuumadda Soomaaliya taageerayso, kuwaasoo Baydhabo la tagey hub, ciidan iyo lacago malaayiin dollar ah, oo loogu tala-galay inay ku iibsadaan codadka Xildhibaanada dooranaya Madaxweynaha KG.

Villa Somalia ayaa la rumeysan yahay inay doonayso in Mukhtaar Roobow laga reebo doorashada KG, iyadoo goor sii horeysay ay soo saartay Wasaaradda amniga qoraal hogaamiye ku xigeenkiii hore ee Al-Shabaab uga hor istaagtay inuu ka qeybgalo tartanka.

Shaxda Doorashada KG:

GAROWE ONLINE

 

 

 

 

 

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM