Musharaxiin Khudbado ka jeeday Gollaha Shacabka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Lix kamid ah Musharaxiinta isku soo sharaxay qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa maanta Khudbado u jeediyay Xildhibaanada Gollaha Shacabka.

Musharaxiinta oo dhamaan Xildhibaanno ah ayaa kusoo bandhigay Khudbadahooda qorshiyaashooda siyaasaadeed, khibradahooda shaqo iyo waxyaabaha ay qaban doonaan, haddii ay xilka ku guuleystaan.

Lixda Musharax ee maanta lagu billaabay Khubad Jeedinta Musharraxiinta ayaa kala ah;

  1. Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow
  2. Xildhibaan Cali Sheekh Maxamuud Nuur
  3. Xildhibaan Cabdicasiis Xasan Maxamed
  4. Saalim Caliyow Ibrow
  5. Xildhibaan Aadan Maxamed Madoobe
  6. Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar

Maalinta berri ah waxaa Khudbad jeedin doona Shan Musharax oo uu ku jiro Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo shalay xilka iska cailay.

Doorashada Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu wadaa inay dhacdo 30-ka bishan April, oo ku beegan maalinta Isniinta ah ee soo socota.

Kursigan ayaa baneeyay Maxamed Cismaan Jawaari, oo is-casiley 9-kii April, kadib is-mariwaa iyo Khilaaf Siyaasadeed oo mudo bil ah socday, iyadoo Xildhibaanada ku kala qeybsameen Mooshinkii isaga laga keenay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM