Muslimiinta Caalamka oo soo dhaweeyay bisha Ramadaanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Muslimiinta ku nool daafaha dunida ayaa isku diyarinaya in ay soo dhaweeyaan bilshada bisha barakeysan ee Ramadan, taasi oo ka bilaabatay Soomaaliya fiidnimadii Axada ah.

Malaayiin Muslimiin ah ayaa bilaabay isla fiidnimada Axada ah Salaada Taraawiixday, taasi oo socon doonta inta lagu guda jiro bilshaan barakeysan.

Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya ayaa Muslimiinta caalamka gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed ugu hambaleeyay bilashada Soonka.

Hogaamiyeyaasha wadamada Islaamka ayaa sidoo kale u rajeeyay Muslimiinta "Ramadan wanaagsan iyo cibaado suuban".

Soonka waa waqti ay Muslimiinta helayaa fursad aad u badan ayna ku hareersan tahay malaa'iigta, albaabada ALLE-na ay furan yihiin, isla markaana naxariistiisa ay tahay mid mar kasta furan.

Balse waxaa ka faa'ideysan doona ruuxii si wanaagsan u guta wajibaadka, isla markaana ilaaliya shuruudaha Soonka oo ay kamid tahay in uu ka fogaado ficilada xun-xun ee uu dhiirogelinayo Shaydaanka.

Muslimiinta aduunka ku dhaqan ayaa waxay ku kala soomi doonaa waqtiyo kala duwan iyadda oo dadka ugu badan ay soomi doonaa in ka badan 20 saacood, inkasta oo Soomaaliya laga soomi doono 12-saac.

Waxaa jira habeen lagu magacaabo Laylatul Qadri [Habeenkii Awooda], waana tobbanka ugu dambeysay, sida lagu sheegay Qur'aanka Kariimka.

"Qof kasta oo u soo kaca habeenkaasi waxa uu si dhab ah u rumeysan yahay balanqaad abaalmarinta iyo rajadda uu ku raadinayo in looga cafiyo dambiyaddiisa," ayuu yiri Nabi Maxamed NNKH.

Sikastaba, 30-maalmood kadib, waxaa imaan doonta maalin loogu magac daray Ramadan Bayram ama Ciidul Fidriga, taasi oo la filayo in Soomaaliya ay ka bilaabato 4-ta June 2019, waana dhamadka Ramadaanka.

MUUQAALKA FARMAAJO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

Abaalmarintani waxay marqaati u tahay go’aankeenna adag ee ah dhismaha mustaqbal ifaya oo bulshada Soomaaliyeed u horseeda fursado.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 09:38AM