​Muudeey iyo Mahad oo loo doortay ku-xigeennada Guddoomiyaha Barlamanka Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa galabta magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, lagusoo afmeeray doorasho adag oo ay ku loollamayeen murashaxiin u taagan Guddoomka Barlamanka Dalka taasoo gashay labo wareeg.

Xildhibaan Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey, ayaa loo doortay inuu noqday guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Soomaaliya kadib markii uu helay codad gaaraya 164 cod, halka Farax Cabdulqaadir oo la tartamay uu helay 93 cod, sida uu sheegay guddoonka KMG ah ee doorashada Barlamanka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka ayaa waxaa isna loo doortay xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad oo Barlamankii hore kasoo qabtay jagadan.

Mudane Mahad, waxaa u codeeyay  171 cod, halka Cabdulqaadir Sheekh Cali Bagdaadi oo la loollamay uu helay 88 cod.

Guddoonka Barlamanka, ayaa shuruud ka dhigay in musharaxa guuleysanaya wareega koowaad looga baahanyahay inuu helo codadka 139 ka mid ah xildhibaanada oo ah 50% oo lagu daray hal.

Doorashadii maanta oo aad uga adkayd middii uu shalay kusoo baxay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaa codaysay oo fadhiya hoolka 290 mudane.

Isbadal kooban, ayaa yimid marka loo eego Barlamankii hore, waxaana Guddoonka kusoo biiray mudane Muudeey oo badalay booskii Jaylaani Nuur Iikar kaasoo ku haray wareegii koowaad ee doorashada, waxaana la filayaa is-badal madaxtinimo ee dalka ka dhacda iyo inay soo baxaan ragga hadda joogaa oo galaangal badan ku leh siyaasadda iyo doorashooyinka waddanka ka dhacay, maadama wali joogaan xafiiska iyadoo waqtigoodu mar hore dhammaaday.

Amniga magaalada Muqdishu, ayaa tan iyo shalay aad loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyinka muhiimka ah ee soo gala xarunta Barlamanka iyadoo lagu daadiyay ciidamo tiro badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM