Muudey oo sheegay in la xaday Dastuurka Soomaaliya [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiweli Ibraahim Muudey, gudoomiye ku xigeenka Gollaha Shacabka, ahna ku-simaha Afhayeenka ayaa daboolka ka qaadey in la xaday Dastuurka Soomaaliya.

Muudey ayaa sheegay in Dastuurka qabyo qoraalka ah ee hadda laga shaqeynayo dib u eegistiisa inuusan ahayn midkii hore ee ay ansixyeen Ergada Beelaha Soomaaliyeed.

"Kii hore waa maqan yahay, kii ergada Soomaaliyeed ay ansixisay ma ahan midka aan hadda ku shaqeynayno, hadii loo baahdana waa la heli doonaa dadkii ka dambeeyay arintaasi, indhoole ma nihin caqli la’aanna malihin" ayuu yiri Muudey.

Ku simaha Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ayaa sheegay in sababta loo xaday Dastuurkii hore ay yahay inuu ahaa mid dowlado shisheeye ay maalgashadeen, oo uusan ahayn dastuurka Soomaaliya maalgelisay.

"Sababta keentay in loo waayo Dastuurkii saxda ahaa ma garan kartaan? waxaa waaye Dastuur annaga aan maalgashanayno ma ahayn, ee wuxuu ahaa mid dad kale ay maalgelinayaan," ayuu hadalkiisa raaciyay Muudey.

Muudey ayaa ugu baaqay Gudiga Dastuurka Labada Aqal ee Baarlamanka iyo shacabka Soomaaliyeed inay ilaaliyaan dastuurka qabyo qoraalka ah ee hadda yaalla, kaasi oo ay ku shaqeynayso dowladda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM