Muudey oo sheegay in la xaday Dastuurka Soomaaliya [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiweli Ibraahim Muudey, gudoomiye ku xigeenka Gollaha Shacabka, ahna ku-simaha Afhayeenka ayaa daboolka ka qaadey in la xaday Dastuurka Soomaaliya.

Muudey ayaa sheegay in Dastuurka qabyo qoraalka ah ee hadda laga shaqeynayo dib u eegistiisa inuusan ahayn midkii hore ee ay ansixyeen Ergada Beelaha Soomaaliyeed.

"Kii hore waa maqan yahay, kii ergada Soomaaliyeed ay ansixisay ma ahan midka aan hadda ku shaqeynayno, hadii loo baahdana waa la heli doonaa dadkii ka dambeeyay arintaasi, indhoole ma nihin caqli la’aanna malihin" ayuu yiri Muudey.

Ku simaha Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ayaa sheegay in sababta loo xaday Dastuurkii hore ay yahay inuu ahaa mid dowlado shisheeye ay maalgashadeen, oo uusan ahayn dastuurka Soomaaliya maalgelisay.

"Sababta keentay in loo waayo Dastuurkii saxda ahaa ma garan kartaan? waxaa waaye Dastuur annaga aan maalgashanayno ma ahayn, ee wuxuu ahaa mid dad kale ay maalgelinayaan," ayuu hadalkiisa raaciyay Muudey.

Muudey ayaa ugu baaqay Gudiga Dastuurka Labada Aqal ee Baarlamanka iyo shacabka Soomaaliyeed inay ilaaliyaan dastuurka qabyo qoraalka ah ee hadda yaalla, kaasi oo ay ku shaqeynayso dowladda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM